Sunday, July 13, 2025

Mas’uul sare oo ka mid noqday dadkii ku dhintay weerarkii Xeebta Liido (Waa kuma?)

Xeer Ilaaliyaha Guud Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa  xaqiijiyay in ku-xigeenkiisa uu ka mid ahaa dadkii dilay weerarka Xeebta Liido ee kooxda Al Shabaab ku qaadeen  Baarka Liido Sea Food iyo Hotelka Beach View habeenkii Khamiista.

Xeer Ilaaliyaha  ayaa ka tacsiyadeeyay geerida  ku timid Maxamuud Cabdi Magan oo meydkiisii laga helay mid ka dhismaha Baarka kadib weerarka.

“Waxaan tacsi u dirayaa Ku Xigeenkeyga Xeer ilaaliyaha Guud Qaranka Maxamuud Cabdi Magan, oo runtii ka mid noqday dadkii ku shahiiday goobtaas.” Ayuu yiri Axmed Cali Daahir.

Dadka ku dhintay weerarka ayaa marba marka ka danbeysa sii kordhaya, waxaana tirada dhimashada ay ka badan tahay iminka 30 ruux.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON