Saturday, June 28, 2025

Safiirka Imaaraadka oo casho sharaf gaara Muqdisho ugu sameeyay Madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigiisii ayaa Caawa 24-Jan-2016 kulan casho ah oo uu u sameeyey safiir Imaaraad Carabta  u fadhiya soomaaliya kaga qayb galay xarunta Safaaradda waddanka isugga imaaraadka carabta ee magaalada Muqdisho.

Safiirka Imaaraadka Carabta ayaa ku ammaanay madaxweynaha Dawladda Puntland isbedellada horumarineed iyo nabad gelyo ee uu ka hirgeliyey Puntland mudadii uu xilka hayey iyo sidoo kale dardar gelinta dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha  Puntland ee xawliga ku soconaya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadceliyey Safiirka casho sharafta uu u sameyey, isagoona ku  ammaanay  Safiirka Imaaraadka sida ay dawladdiisu u garab taagan tahay guud ahaan soomaaliya gaar ahaana Puntland oo ay ka caawiso ladagaallanka kalluumaysiga sharci darrada ah, kaabayaasha dhaqaalaha iyo mashaariic kale.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

SAWIRRO
IMG_0508IMG_0511

IMG_0516
IMG_0529
IMG_0545IMG_0534

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON