Cabdi Shire Cayaar Jecel oo ahaa guddoomiyihii Kooxda Qeylo-dhaan ayaa ku biiray Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo loo dhaariyay maanta xubin ka mida Baarlamaanka Soomaaliya ee waqtigiisu dhamaanayo Bisha August ee soo socota.
Xildhibaan Cabdi Shire Cayaar Jecel ayaa bedelay Muuse Sheekh Cumar oo wararku sheegayaan inuu dalalka Yurub iska dhiibay. Guddoomiyaha kooxda Qeylo-dhaan Cabdi Shire Cayaar Jecel ayaa ah Abwaan iyo nin u ololeeya qaranimada ayaa hadda uun siyaasadda ku soo biiray inkastoo waqtiga u harsan dowladan aad u yar yahay, waxaana uga horeeyay oo jago xildhibaanimo qaatay hobolo iyo fanaaniin ay ka mid ahayd allaha u naxariistee Saado Cali Warsame.
Goobjooge.com