Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku yeeshay magaalada Muqdisho oo maanta uu shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa laga qeybiyay qaraar ku saabsan duqeynta ay ciidamada Kenya ka wadaan Gobolada Koonfurta Soomaaliya, siiba Gobolka Gedo oo dad iyo xoolo ay waxyeelo kasoo gaartay.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka doodi doona qaraarkaasi oo cambaareyna duqeynta aan loo meel dayin ee Kenya, isla markaana ugu baaqaya in degdeg loo joojiyo duqeyntaasi, waxaana lagu wadaa in dooda qaraarkaasi ay Baarlamaanka ka bilaabto.
Dowladda Kenya ayaa weerarkii Ceelcade ee kooxda Alshabaab ku qaaday kadib waxay bilowday ciidamo ay ku soo daabusho xuduudka iyo duqeyn dhinaca cirka ah oo waxyeelo badan kasoo gaartay dadka Gobolka Gedo.
Dowladda Federaalka ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho arrintan, waxaana Baarlamaanku u muuqdaa inuu qaaday tallaabo laga sugayay.
Goobjooge.com