Kooxda Alshabaab ayaa ku hanjabtay in weeraro hor leh oo ka darran kii xeebta Liido ka dhacay dhowaan ay ka fulin doonto hoteelada iyo baararka ku yaala Liido, waxayna bogaadisay weerarkii Liido iyo Ceelcade.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Alshabaab Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa wareysi uu siiyay Idaacadda kooxda ee Andalus wuxuu ku sheegay weerarkii lagu qaaday Hotelka Beach View Hotel ee xeebta Liido uu qeyb ka yahay silsilado weeraro ah oo ay ku beegsanayeen goobaha isku imaatinka u ah cadowga sida uu yiri.
Wuxuu ku dooday in xeebta Liido ay tahay  goob ay ku tamashleeyaan shacabka ama ay isugu yimaadaan dadka rayidka ah. isagoo ku dooday in goobta la beegsaday ay ka mid ah ahayd meelaha hoyga u ah caddowga, Islamarkaana ahaa hadaf bartilmaameed u ah Mujaahidiinta sida uu yiri.
Sheekh Cali wuxuu caddeeyay  Alshabaab aysan sidaas kaga hari doonin Hotelada la isugu yimaado ee Liido, oo ay markale ka fulin doonaan weeraro ka daran kuwii hore. isagoo ugu yeeray dadka Muslimiinta inay ka fogaadaan goobahaas bartilmaameedka ah.
Goobjooge.com