Sunday, June 22, 2025

DEGDEG: C/weli Gaas oo aqbalay 4.5 kadib cadaadis uga yimid Wakiilka Q/Midoobay (Akhri)

Kulan xasaasi ah oo maanta xarunta Guddoonka Baarlamaanka ee Villa Hargeysa, magaalada Muqdisho ku dhex maray Wakiilka Qaramada Midoobay Micheal Keating iyo Madaxweynaha Puntland ayaa maamulka Puntland ku ogolaaday in baarlamaanka cusub aqalkiisa hoose lagu saleeyo nidamaka 4.5, waxaana wakiilka Q/Midoobay cadaadis dheer kadib uu ku guuleystay arrintaasi oo horeba Puntland tanaasul uga muujisay.

Arrinta aqalka sare ayay Puntland ku dhegtay in lagu saleeyo qaab degaan iyo 18 gobol, waxaana lagu wadaa in maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyagana lagu cadaadiyo, taasoo hadda ah xalka kaliya ee la sugayo kadib 24 saacadood oo wakiilka Q/Midoobay kulamo is daba joog ah uu la lahaa madaxda maamulada Soomaalida.

HOOS KA AKHRI WAR-SAXAAFADEED PUNTLAND SOO SAARTAY

Ad

 

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii la socdey ayaa Maanta 27-Jan-2016-ka ku qaabilay Xarunta Villa Hargaysa ee Madaxtooyada Soomaaliya Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Michael Keating iyo kuxigeenkiisa.
Madaxweynaha iyo Wakiilka xog-haya guud ee qarammada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa kulankooda waxyaabihii ay uga wada hadleen waxaa kamid ahaa shirka Madasha wadatashiga qaran iyo sidii laysugu soo dhoweyn lahaa aragtiyaha kala duwan ee madaxda soomaalida ee ku saabsan nooca doorasho ee la doonayo dalka in ay ka qabsoonto.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Michael Keating sheegay aragtida shacabka Puntland ee ku qotonta qaabka loosoo xulayo baarlamaanka dalka taas oo ah qaab Deegaan si loo helo metelaad shacbi oo dhab iyadoo aan la hilmaamayn xuquuqda haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay.
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale u sheegay wakiilka Xog-haya guud in Puntland ay marwalba u heellantahay sidii loo heli lahaa dawladnimo soomaaliyeed oo sax ah oo ku dhisan caddaalad isla markaana haysata kalsoonida shacabkeeda.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali iyo Michael Keating ayaa sidoo kale kulankooda ku xusay in doorashooyinka dalku ay waqtigooda ku qabsoomaan isla markaasna aanay Puntland aqbali doonin wax muddo kororsi ah.

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON