Thursday, June 26, 2025

Tirada askarta Soomaalida Kenya uga dhintay dagaalkii Ceelcade oo la shaaciyay

Mid ka mida Wargeysyada kasoo baxa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa faahfaahino dheeraad ah ka qoray weerarkii lagu xasuuqay Ciidamada Kenya ee ku sugnaa deegaanka Ceelcade ee Gobolka Gedo.

Wargeyska oo xiganaayay wareysi uu bixiyay Xildhibaan Aadan Bare Ducaale ayaa waxa uu sheegay in ciidankii Kenya ee lagu laayey Ceelcade ay ku jireen Askar Somali-Kenya ah.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in tirro ahaan Askartaasi ay gaarayeen ilaa Todobo Askari kuwaasi oo qeyb ka ahaa Howlgalada Ciidamada Kenya ee Ceel-Cadde.

Todobadaani Askari ee Somali-Kenyaanka ah ayaa deegaan ahaan kasoo jeeday degmada Wajeer, waxa ayna Saldhigaasi ku sugnaayen muddo kooban oo qura.

Dowlada Kenya wali ma aysan qoysaska Askarta Somali-Kenyaanka ahaa uga tacsiyeyn geerida ku timid carruurtooda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON