Friday, June 27, 2025

WAR CUSUB: Madaxweynaha Kenya oo Midowga Afrika ka dalbaday in wax laga bedelo Qorshaha howlgalka AMISOM ee Somalia

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa  ku baaqay in isbedel lagu sameeyo howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM si awood loogu siiyo ciidamada AMISOM inay awood xoog leh u adeegsadaan la dagaalanka Alshabaab.

Madaxweynaha Kenya oo ka hadlayay shirka Midowga Afrika ee Addis ababa ka socda ayaa sheegay in AMISOM u baahan tahay awood dheeraad ah oo isugu jirta ciidamada Cirka, Badda iyo awoodda ciidanka dhulka, wuxuuna ku dooday in ciidamada AMISOM ee hadda ku sugan Soomaaliya aanay heysan awood ku filan iyagoo wajahaya kooxo argagixiso ah iyo dembiilayaal, isla markaana aanay heysan ciidamo cir iyo kuwa badda dal leh xeeb dhererkoodu ka badan yahay 3000KM.

Khudbadii Uhuru Kenyatta ka jeediyay shirka Midowga Afrika ayuu ku sheegay in AMISOM ay guul ka gaartay isla markii la geeyay Soomaaliya, balse iminka la gaaray xiligii wax laga bedeli lahaa qaabka loona ogolaado in ciidamada Soomaaliya jooga inay awood weyn adeegsadaan dhulka Soomaaliyana ka xoreeyaan Alshabaab.

“Ujeedada waxay ahayd in dowladda Federaalka Soomaaliya laga taageero si ay gacanta ugu dhigta Soomaaliya guud ahaan 2015, inta ka horeysa doorashada Soomaaliya 2016. Waxaa cad in ujeedadaasi aan la gaarin taasi oo caddeyn u ah in howlgalka AMISOM u baahan yahay in wax laga bedelo”.

Madaxweynaha Kenya ayaa khudbadiis kusoo hadal qaadin dhismaha ciidamada Soomaaliya, waxaana hore loo ogaa in Kenya ay Golaha ammaanka ka dalbatay in ciidamadeeda Badda loogu daro inay ka mid noqdaan AMISOM, taasoo dowladda Soomaaliya hore uga hor timid.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON