Friday, June 27, 2025

Alshabab oo dad ku dishay weerar kale oo ay ku qaaday Gudaha dalka Kenya

Afar Qof ayaa geeriyootay  tiro kalena waa lagu dhaawacay markii kooxda Alshabaab ay weerar ku qaadaysaakay ay ku qaadeen xaafada Bondeni ee  u dhow  Pandanguo, Gobolka Lamu.

Dadka degaanka ayaa sheegay inay arkeen saddex qof meydkood, inkastoo boolisku sheegay dhimasha hal ruux oo kaliya, waxayna dableyda Alshabaab ee weerarka qaaday ay dab qabadsiiyeen dhowr guri intii aanay goobta ka baxsan.

Weerarkaan ayaa ku soo aadaya,maalmo yar uun ka dib markii shan ka tirsan Saraakiisha Booliska Kenya ay dhinteen halka sagaal kale lagu la’yahay aaga Milimani oo ku teedsan dhul xeebeedka Lamu markii kolonyo ay saarnaayeen la kacay miino dhulka lagu aasay.

Weerarada Alshabaab ee gudaha Kenya ayaa sii kordhaya xilli ay Kenya  dib uga guraneyso xerooyinkii ay ciidamadeeda ka joogeen gudaha Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON