Sunday, August 10, 2025

FADEEXAD: Qoraal Wasiir Warrancade ku dalbanayo Baasaboorka Soomaaliya oo la soo bandhigay

Taliyaha Hogaankaa Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya  C/llaahi Gaafow maxamed ayaa faahfaahin ka bixiyay socdaal uu ku tegay dalka Mareykanka oo ku saabsan sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa arrimaha socdaalka.

C/llaahi Gaafow wuxuu shirka jaraa’id uga hadlay arrinta Somaliland ee ah in dad Soomaaliyeed lagu dhibaateeyo, loona aqoonsado baasaboorka Soomaaliya mid ajnabi ah, wuxuuna soo bandhigay qoraal uu wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed  Warancade u diray dowladda Soomaliya iyo waaxda socdaalka oo uu ku codsanayo in xafiis bixiya Baasaboorka Soomaaliya laga furo Hargeysa.

Arrintan ayaa noqoneysa fadeexad weyn oo maamulka la baxay Somaliland soo wajahday iyadoo wasiirka qoraalka qoray uu yahay kan ay kasoo baxeen go’aanada masafuritanta Soomaalida Koonfurta.

Mudane C/llaahi Gaafow ayaa sheegay inay wax badan ka xishoonayaan oo aysan la qaadeynin wasiirka Warancade, iyagoo wax badan dhowraya.

HOOS KA DAAWO QORAALKA WARAN-CADDE

Warancade

 

GOOBJOOGE.COM

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON