Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhintay 20 kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray weerar is miidaamin ah oo lagu qaaday halka laga galo xarunta Booliska magaalada Kabul, dalka Afghanistan.
Sida uu sheegay wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha dalkaasi Ayub Salangi, waxaa qaraxa ka danbeyay ruux is miidaamiyay oo iridka xarunta isku qarxiyay, waxaana goobta daadsanaa meydadka dadka dhintay.
Weerarka waxaa durbadiiba sheegtay kooxda Daalibaan oo dagaal kula jira dowladda dalkaasi iyo ciidamada shisheeye ee NATO ka jooga Afghansitan.
Magaalada Kabul waxaa dhowaanahan ka dhacayay weeraro fara badan iyadoo ay dib u soo laba kacleysan Daalibaan.
Goobjooge.com/Wakaalado