Kooxda Manchester City ayaa xqiijisay in tababaraha caanka ah ee Pep Guardiola uu bedeli doona Manuel Pellegrini this xili ciyaareedka soo socda, kadib muddo dheer oo la hadal hayay halka uu ku dambeyn doono tababarahan heerka sare ah oo kooxo badani ay raadinayeen.
Heshiiska ay Man City la gashay Guardiola uu xilka kala wareegi doono tababaraha hadda kooxda haya oo xilligiisu ku ekaa aakhirka snadka 2017, balse kooxdu shaqadiisa ku joojisay bartaha sanadkan 2016.
War saxaafadeed ka soo baxay kooxda Man City ayaa lagu yiri: ” Manchester City waxay xaqiijineysaa in toddobaadyadii ugu danbeeyay ay soo gabagabeysay wadahadalkii heshiis lala gaaro Pep Guardiola si uu u noqdo tababaraha kooxda sanadka 2016/2017 iyo wixii ka danbeeya”.
Man City ayaa marar badan lagu eedeyn jiray inay la’ dahay tababare heer caalami ah, iyadoo kooxdu heysato ciyaaryahano fara badan, balse ay horumar ka gaari weyday Champion League.
HOOS KA AKHRI BAYAAKA KOOXDA KASOO SAARTAY ARRINTAN
So it's confirmed: Pep Guardiola to take over at Manchester City in the summer #mcfc pic.twitter.com/NVUPuemACz
— Sam Lee (@Sammy_Goal) February 1, 2016
Goobjooge.com