Xubno isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa kusii qul ulaya magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan oo shir gaara uga furmay Beesha Xawaadle, kaasoo looga arrinsanayo xaalada dalka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Gobolka Hiiraan.
Shirkan waxaa ku baaqay Ugaaska cusub ee Beesha Ugaas Xasan Ugaas Khaliif waxaa uu olole ugu jiraa in Gobolka Hiiraan uu goobi isu taago oo aanu waxba ku darsan gobolka Shabeelaha dhexe.
Xubnaha tegay Beledweyn waxaay isugu jiraan qaar taageersan mowqifka Ugaaska iyo qaar doonaya in Beesha lagu soo celiyo shirka Jowhar oo dowladda ka tirsan, waxaana la filaya in dood kulul ka dhacdo shirka Beesha.
Mas’uuliyiinta gaaray magaalada Beledweyne maanta waxaa ka mida: Wasiir kuxigeenka Beeraha C/casiis Saalac Carmaan, Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre, Xildhibaan Maxamed Xasan Qoono iyo Xildhibaano kale.
SAWIRO
Goobjooge.com