Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka qeyb galay munaasabad gawaari gaashaaman oo dowladiisa u soo iibisay ciidamada Booliska dalkaasi lagu wareejinayay, si loo xoojiyo awoodooda dagaal ee ay kala hor tegayaan kooxda Alshabaab.
Madxweynaha Kenya ayaa xaflada wareejinta gawaarida dagaalka oo boobayaasha culus ay ku rakiban yihiin wuxuu ka sheegay in Booliska Kenya ay awoodi doonaan inay howshooda gutaan iyagoo aan kaalmo uga baahan ciidamada milateriga. Wuxuu intaas ku daray in gawaarida gaashaaman ay boolisku u adeegsan doonaan meelaha xasilooni darrada ka jirto ee xuduudka Soomaaliya.
Waxaa la arkayay Madaxweyne Uhuru oo dul saaran mid kamida gawarida dagaalka isagoo haya qoriga ku rakiban, wuxuuna isu muujiyay nuu yahay dagaalyahan.
DAAWO SAWIRRADA
Goobjooge.com