Wednesday, June 25, 2025

WAR CUSUB: Qarax laga cabsi qabo inuu ka dhashay dabkii ka kacay Diyaaradda Daallo..? [DAAWO SAWIRRO]

Diyaarad ay leedashay shirkadda Daallo Airlines oo ka kacday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, ayaa degdeg usoo degtay, waxaana  warar kala duwan ay kasoo baxayaan sababta dhalisay dabka ka dhacay diyaarada oo siday rakaab  u socday dalka Jabuuti.

Lama yaqaan in dabka ka kacay diyaaradda uu yahay mid cilad ka dhashay ama qarax, hase yeeshee sawirro laga soo qaaday  ayaa muujinaya in diyaaradda uu ka muuqdo dalool weyn oo u muuqda qarax oo kale.

Saddex qof ayaa dhaawacyo kasoo gaareen diyaaradda Daallo, oo soo noqotay wax yar uun kadib markii ay ka kacday garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Ciidamada nabd sugidda Soomaaliya ayaa iminka baaritaan iyo su’aalo weydiin ku wada dadkii saarnaa diyaaradda. Warar dheeri ah ayaa la filayaa inay dhowaan kasoo baxaan


 

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA DIYAARADDA

Gudaha diyaaradda oo dalool weyn laga arko
Gudaha diyaaradda oo dalool weyn laga arko
Dalool ka muuqda diyaaradda
Dalool ka muuqda diyaaradda

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON