Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya inay halkaasi isaga tageen wasiiradii ugu danbeeyay ee ku sugnaa si ay uga qeyb galaan shirka Jowhar ee hakadka ku jira.
Wasiirka Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad oo muddo dheer ku raagay magaalada Jowhar, isla markaana khilaaf weyn ka dhaliyay beelaha labada gobol ayaa shalay ka tegay magaalada Jowhar kadib markii uu muddo dheer halkaasi joogay, waxayna wararku sheegayaan inuu u yeeray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Wasiiru dowlaha Maaliyadda C/llaahi Maxamed Nuur ayaa isagana ka mida wasiirada shalay isaga tegay magaalada Jowhar oo ay u tageen shirka maamul u sameynta goboladda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.
Wasiir Mahad in arrimaha shirka Jowhar laga saaro waxay ka mid ahayd dhowr dalab oo ka yimid beesha Xawaadle iyo beelo kale oo si weyn uga hor yimid dhaqdhaqaaqii wasiirka madaxtooyada ka waday magaalada Jowhar, taasoo keentay inay beelo badan ka baxaan shirka.
Goobjooge.com