Kooxda AlShabaab oo shalay la wareegtay magaalada Marka ee gobolha Sh/hoose ayaa amarro cusub ku soo rogay dadka ku nool Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose, kadib markii shalay halkaasi galeen.
Guddoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo meel fagaare ah kala hadlayay bulshada ku nool magaaladaasi ayaa u sheegay in hadda kadib ay dhamaatay dhaqamadii Magaalada ka jiray.
Waxa uu ku dhawaaqay in laga gudbay dagaalkii qabiilada, sidoo aan la dhageysan karin, heesaga iyo miyuusika, wuxuuna ka digay in isbaarooyinkii la dhigan jiray ay mamnuuceen.
“Allaahu Akbar… saddex sano kadib magaaladiina marka waxay ka xorowday ciidankii saliibiyiinta.. maanta laga bilaaba xaaladu waa caadi, Dagaal Qabiil waa dhammaaday muusik waa dhammaaday, Nolol Cusub ayaa u bilaabatay dadka reer Marko.”ayuu yiri Waaliga Abuu Cabdalla.
Goobjooge.com