Ciidamada Itoobiya iyo kuwa maamulka Jubba ayaa dib ugu laabtay magaalada Kismaayo xalay kadib markii ay weerar ku qaadeen degaanada Buulogaduud iyo Yoontooy oo ku yaala duleedka magaalada Kismaayo.
Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegay in xaalada ay degan tahay, iyado ciidamada is baheystay ee Itoobiyaanka iyo AMISOM ay dib ugu laabteen garoonka magaalada Kismaayo kadib markii ay dagaal saacado qaatay oo aan wax horumar ah laga gaarin la galeen Alshabaab.
Kooxda Al-Shabaab ayaa weli gacanta ku heysa Buulo-gaduud oo 30km u jirta magaalada Kismaayo iyo Yoontooy oo 18KM u jira Kismayo. Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jubbland ee shaley duulaanka qaaday ayaa maanta ku sugan xerada Jaamacadda ee magaalada Kismaayo.
Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa la sheegay inay xalay weerar hoobiyeyaal ku qaaday saldhiga xerada Jaamacadda ee fariisinja u ah ciidamada Itoobiya iyo kuwa maamulka Jubba.
Goobjooge.com