Magaalada Gaalkacyo qeybta ay maamusho Galmduug waxaa maanta ka dhacay doorshada Duqa degmada Gaalkayco, waxaana doorashada cod qarsoodi ahaan ku dhacday ku guuleystay Xersi Yuusuf Barre oo helay codad dhan 18, halka uu ku xigeenka duqa ku guuleystay Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed oo isna helay 17 cod.
NATIIJADA DOORASHADA DUQA GAALKACYO, waxay u dhacday sida soo socota:
Injineer Gardaani 9 Cod
Xersi Yusuf Barre 18 Cod
NATIIJADA DOORASHADA KU XIGEENKA DUQA GAALKACYO
C/raxmaan Sheekh Maxamed 17 Cod
Maxamed Faarax Aadan 9 Cod
Doorashada oo si heer sare ah u qabsoontay waxaa codka dhiibtay Golaha degmada Gaalkacyo, iyadoo si weyn looga soo dhoweeyay magaalada doorashada, waxaana magaalada Gaalkacyo qeybteeda Koonfureed ka taagnaa khilaaf dhinaca maamulka ah.
Goobjooge.com