Dowlada Kenya ayaa xabsiga dhigtay shaqsiyaad lagu tuhmayo inAy gacan weyn ku lahaayeen weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Mandheere ee dalka Kenya.
Ciidamada Kenya ayaa baaritaan ay sameeyeen kadib waxay kusoo qabteen muwaadin Soomaaliyeed oo si dhow loola xiriiriyay inuu qeyb weyn ku lahaa weeraro badan oo Alshabaab ay ka geysteen deegaanada dhanka xuduuda gaar ahaan magaalada Mandheera.
Ciidamada ayaa qabtay Axmed Yare oo 27 sano ah, kaasi oo la sheegay inuu door weyn ku lahaa weeraro badan oo Alshabaab ay ka gaysteen duleedka magaalada Mandheera ee gobolka waqooyi bari kenya. Laamaha amaanka waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in Axmed yare ay baaritaan ku wadaan kadibna cadaalada la horgeyn doono.
Taliyaha waaxda dambi baarista waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in Axmed yare lagu xiray saldhig ciidamada booliska ku leeyihiin deegaanka Isiola ee dalka Kenya.
Alshabaab ayaa inka badan 100 weerar ka geystay carada dalka Kenya tan iyo bishii Agoosto 2011 markii ciidamada Kenya gudaha galeen dalka Soomaaliya.
Goobjooge.com