Wednesday, June 25, 2025

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir oo ku biiray shirka wadatashiga Magaalada Beledweyne

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir oo hadda hogaamiya xisbi siyaasadeed Maxamuud Axmed Nuur [Tarsan] oo ay la socdaan  odayaal dhaqameedyo ayaa maanta tegay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana garoonka ku soo dhoweeyay mas’uulihiinta, Odayaasha dhaqanka iyo ururrada dhalinyarada gobolka Hiiraan.

Tarsan ayaa socdaalkiisa ku sheegay inuu ujeedkiisu yahay inay ka qeyb qaataan wadatashiyada ka socda magaalada Beledweyne ee ku saabsan  dhismaha maamulka Gobollada Hiiraa iyo Shabeellada Dhexe.

Tarsan ayaa siweyn u amaanay doorka Ugaas Xassan Ugaas Khaliif iyo mowqifka adag ee uu markiiba iska taagay ismari-waaga ka taagan arrintaan iyo shirarka Wada-tashiga ah ee uu uga baaqay bulshada reer Hiiraan.

Wafdiga Tarsan ayaa la sheegay inay ku booqdeen hoyga uu magaalada Beledweyne ka degan yahay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ay ka wadahadleen xaalada gobolka Hiiraan. Waxaana la sheegay inay Tarsan iyo wafdigiisa ku biireen shirka wadatashi ee ka socda magaalada Beledweyne.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON