Kooxda Al Shabaab ayaa soo bandhigtay gaari nooca dagaalka ah oo ay sheegtay inay ciidamada Dowladdu kaga qabsatay dagaalka ku dhex maraya duleedka Magaalada Marka maalintii Sabtidii.
Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo ah Gudoomiyaha Al Shabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in Al Shabaab ay khasaare xoogan gaarsiiyeen Ciidamada dowladda ayna qabsashada gaarigan uu muujinaayo sida dagaal-yahanada mayalka adag ee Al Shabaab ugu gacan sareeyaan dagaalka ay kula jiraan Ciidamada Dowladda iyo Amisom.
Abuu Cabdalla, ayaa ku goodiyay inay sii haysan doonaan Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo uu intaa raaciyay in dadka reer Marka ay la dhacsan yihiin in mintidiintu sii jooggaan Magaalada.
DAAWO SAWIRRO
Goobjooge.com