Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa maanta gaaray degmada Hobyo ee gobolka Mudug. Wafdiga wasiirka arimaha gudaha oo ay kamid yihiin xubno kale oo dowlada ka tirsan ayaa waxaa magaalada kusoo dhoweeyay masuuliyiin maamulka Galmudug ka tirsan oo ku sugan degmada Hobyo.
Wafdiga wasiirka ayaa ku biiraya mid kale oo uu hogaaminayay madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed oo halkaasi ku sugnaa maalmihii ugu danbeeyay, waxaana ujeedka socdaalkaooda magaalada Hobyo ee gobolka Mudug ka mida dhismaha maamulka degmada Hobyo iyo bilowga dhismaha dekada degmadaasi ay yeelaneyso.
Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa degmada Hobyo, waxaana socdo dadaalo maamul cusub loogu sameynayo degmadaasi. Waxaa khilaaf ka dhex jiraa beelaha degmada oo isku heysta maamulka cusub ee loo dhisayo degmada, taasoo keentay inuu halkaasi tago wasiirka Odowaa si uu uga qeyb qaato xalinta khilaafaadka iyo dhismaha maamul degmadaasi yeelato.
Goobjooge.com