Wednesday, June 25, 2025

Xildhibaano ka badan 50 oo Mooshin cusub ka keenay Madaxweyne Xasan Sheekh

Xildhibaano la tirsan baarlamaanka Federaalka oo tiradooda lagu sheegay 54 Xildhibaan ayaa saxiixay Mooshin cusub oo looga horjeedo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku eedeeyay inuu wax badan  jabiyey Dastuurka dalka u yaala.

Xildhibaanada oo Mooshinka u gudbiyay guddoonka Baarlamaanka ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ka sheegay kulankii maanta  in uu gacanta ku hayo Mooshin ay saxiixeen Xildhibaano ka badan 50, waxaana ay doonayaan in laga doodo Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yusuf oo kamida Xildhibaanada saxiixay mooshinkan ayaa sheegay in Madaxweynuhu jebiyey dastuurka una gefey xasaanadda xildhibaanada Soomaaliyeed. Mooshinka ayaan la ogeyn qaabka uu ku socon doono iyo in lagu koobi doono su’aalo weydiin ah, inkastoo aanu dhameyn kooram madaxweynaya xil ka qaadis lagu soo oogi karo.

Mooshinkan wuxuu maalin uun ka danbeeyay khudbadii madaxweyne Xasan Sheekh shalay ka jeediyay fadhiga Baarlamaanka. Gudoomiye Jawaari ayaa lagu wadaa in furo dooda mooshinka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON