Wednesday, June 25, 2025

C/raxmaan Odowaa oo farriin culus u diray Ahlu-sunada Gobollada Dhexe

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) Soomaaliya ayaa farriin u diray kooxda Ahlu suna ee gobolada dhexe isagoo magaalada Hobyo, wuxuuna Ahlu-sunna  ugu baaqay inay wadahadal la furaan Maamulka  Galmudug ee uu Hogaamiyo Cabdi Kariin Xuseen Guuleed.

Wasiirka oo Hobyo u tegay maamul loo dhisayo magaaladaasi ayaa  sheegay in Soomaaliya ay kasii dhammaanayaan kooxaha sharci darrada ah. “Qorigii wax lagu raadinayay waxaa kusoo haray waan qoriga is qarxinaya, waxaan Ahl suna ugu baaqeynaa inaysan qorigaas la mid noqon” ayuu yiri wasiir Odowaa.

Wasiir Odawaa ayaa caddeeyay  intii ay socotay Dhismaha Maamulka Galmudug ay dhowr jeer lahadleen Maamulka Ahlu-Sunna Waljamaaca. Wuxuu ku dooday in xiligan aan la joogin waqtigii qori wax lagu raadin lahaa wuxuuna sheegay in dowlada ay ka warqabto oo kaliya inuu kusoo fooraro qoriga Al-Shabaab.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON