Wednesday, June 25, 2025

Muxuu salka ku hayaa Mooshinka laga keenay Madaxweynaha….?

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa mooshin cusub ka gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii ay sheegeen in madaxweynuhu  ku xadgudbay xasaanadda xildhibaannada, maalin kadib markii uu khudbad ka hor jeediyay Baarlamaanka.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mida xildhibaanada Mooshinka saxiixay ayaa sheegtay in mooshinkaan ay geeyeen xildhibaanno ka badan 50 oo  kasoo horjeeda hadal kasoo yeeray madaxweynaha oo ahaa in la baari doono mas’uuliyiinta dowladda ee ka dhoofaya garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, xildhibaanaduna horseed u noqdaan baaritaanka.

“Mooshinkaan shalay ayaan geynay markii fadhi aan caadi ahayn uu madaxweynaha uu baarlamaanka la yeeshay, hadalkii madaxweynaha ayaa ku jirtay ku xadgudub xasaanadda xildhibaannada oo ahayd in la baaro mudanayaasha maadaama amnigii la adkeynayo suumanka, kabayaasha laga baaro taasoo ilhaano ku ah xildhibaanka, cutubka Lixaad qodobkiisa 70-aad farqadiisa 2aad ee Dastuurka KMG ee dalka u yaalla ayey si cad ugu qeexan tahay inaan xildhibaanka oogadiisa la baari karin” ayay  tiri xildhibaan Khadiija.

Xildhibaanada ayaa intaas ku dartay in mooshinka ay qoreen sidoo kale ay ku dalbadeen in degdeg Golaha Baarlamaanka loo hor keeno Wasiirada qaabilsab dhinaca Amniga iyo Taliyayaasha ay quseyso arrintani.

Mooshinkan ayaa ah mid laga diyaariyay khudbadii Madaxweynaha oo ka dhaqan gashay Garoonka magaalada Muqdisho, lamana oga siduu u maareyn doono guddoonka Baarlamaanka.

DASTUURKA & KHUDBADII MADAXWEYNAHA

Xasaanad

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON