Waxaa magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug maanta looga dhawaaqay maamul cusub oo magaaladaasi ay yeelanayo markii ugu horeysay isagoo ah maamul loo dhan yahay oo Galmudug hoos imaanaya.
Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha Galmudug Cumar Guureeye ayaa ku dhawaaqay maamulka loo sameeyay degmada Hobyo, isagoo akhriyay wareegto kasoo baxday Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed, waxayna kala yihiin:
- Guddoomiyaha Degmada Hobyo Cabdulaahi Maxamed Cali (Faat)
- Guddoomiye Ku xigeenka Degmada Hobyo Maxamuud Maxamed Cawaale
- Mursal Maxamud Aadan Xoghayaha Degmada Hobyo
- Xasan Macalin Yuusuf Madax Gargaarka
- C/weli Nuur Cosoble Madaxa Samafalka
- Yuusuf Maxamed Maxamuud Madaxa Caafimaadka
- C/risaaq Maxamed Jaamac Madaxa Waxbarashada
- Maareeyaha Dekada Hobyo Cabdirisaaq Maxamed Ducaale
- Maareeye kuxigeenka Maareeyaha Dekada Sayid Cali Daahir Bohola-ka-ciye – gaadiida
- Daahir Xersi Cali Maareye ku xigeenka Dekadda howlgelinta
- Maxamed Cali Nuur Cagaweyne maareeye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda
- Cumar Maxamed Faarax Madaxa Canshuuraha Dekadda
- Taliyaha Nabadsugida Cabdulaahi Cilmi Cawaale
- Taliyaha Booliska Degmada Hobyo Bashiir Cilmi Geedi
- Mareeyaha Garoonka Diyaaradaha Cabdi Warsame Afrax
- iyo xubno kale
Waxaa sidoo kale magaalada Hobyo lagu dhagax dhigay dekada casri ah oo magaaladaasi yeelaneyso iyadoo isla markaana madaxweynaha Galmudug ku dhawaaqay inay furan tahay dekada Hobyo.
Goobjooge.com