Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kulamo kula leh magaalada Garowe wakiilada Beesha caalamka oo halkaas u tegay inay Puntland cadaadis ku saaraan ogolaanshaha iyo qaadashada go’aanka qaabka doorashada 2016.
C/weli Gaas wuxuu dacwad aan loo fadhin kana mid ahayn ajendaha oo ku saabsan magaalada Muqdisho u gudbuyay wakiilada Beesha caalamka oo ay ka mid ahaayeen wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating, Danjiraha Maraykanka Ambassador David KAEPER, Danjiraha Midowga Yurub Ambassador Tom VENS,(Representative), Danjiraha Ingiriiska Ambassador Harriet MATHEWS, Danjiraha Talyaaniga Ambassador Fabrizio MACHELLI , Danjiraha Swsen Ambassador Mikeal LINDVALL, Danjiraha Midowga Afrika Hon Laydia WANYOTO MUTENDE, Danjiraha IGAD Ambassador Mohamed AFEEY iyo Danjiraha Itoobiya Ambassador Jamaludin Mustafe.
Sida ay baahisay madaxtooyada Puntland C/weli Gaas wuxuu ku dooday in wixii dhaqaale ah ee Soomaaliya loogu talogalay lagu koobay magaalada Muqdisho oo kaliya, isagoo beesha caalamka ku eedeeyay cadaalad darro.
Madaxweynaha Puntland ayaa u sheegay in Beesha Caalamku taageeradii dhaqaale iyo ciidan ee ay ku caawin jirtey Soomaaliya ay ku koobtay Magaalada Muqdisho oo keliya, taasina ay ka mid tahay caddaalad darada saami qaybsi ee Beesha Caalamku ka wado Soomaliya.
Danjiraha Talyaaniga Fabrizio MACHELLI oo qayb ka ahaa Danjirayaashi kulanka joogay ayaa madaxweyne Gaas u sheegay in Talyaaniga oo kaliya uu 4 mashruuc maalgeliyay degaanada Puntland oo uu ugu danbeeyay dhismaha garoonka dhowaan la furay ee Boosaaso, iyagoo aan wax mashruuc ah ka hirgelin Muqdisho, taasoo keentay in C/weli Gaas ka aamuso weji gabax.
Goobjooge.com