Friday, June 27, 2025

Shirkadda Turkish Airlines oo duulimaadyadeeda u wareejineysa Magaalada Hargeysa

Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines oo joogto u tegi jirtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa hakisay safaradeedi Magaalada Muqdisho, iyadoo taas badelkeedana todobaadkan ka degtay garoonka diyaaradaha  Magaalada Hargeysa.

Duuliyaha Diyaarada Daallo ayaa tilmaamay in Shirkadda Turkish Airlines ay si kedis ah uga codsatay inay usoo qaadaan rakaabkooda Muqdisho maadama ay baajiyeen safar ay ku tegi lahaayeen Magaalada Muqdisho cimiladda oo aan wanaagsanayn awgeed.

Dhanka kale Afhayeen u hadlay Shirkadda Turkish Airlines oo lagu magacaabo Yahya Ustun ayaa sababaha 2-dii Bisha ay u hakiyeen Dulimaadkoodii Muqdisho ku sifeeyey Dabaylo xoogan oo maalinkaas ka dhacaayey Muqdisho, wuxuuna ka gaabsaday inuu cadeeyo in qofkii isku qarxiyey Daallo uu kamid ahaa rakaabkii qaatay Tigidka Turkish Airline.

Yahya Ustun ayaa sidoo kale ka gaabsaday inuu cadeeyo xiliga ay Shirkadda Turkish Airline ay dib u bilaabi doonto dulimaadyadii caalamiga ahaa ee ay ka samayn jirtey Magaalada Muqdisho.

Ma cada in Shirkada Diyaaradaha Turkigu dib u bilaabi doonto Dulimaadkeedii Muqdisho iyo inay Dulimaadyadii ay Soomaaliya ku imaan jirtey u wareejisay oo kaliya Magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulka Soomaaliland, Waxayse arimahan oo dhan kusoo beegmayaan xili Duuliyihii Shirkadda Daallo uu Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku tilmaamay mid aan sinaba amaankiisa la iskugu halayn karin.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON