Friday, June 27, 2025

C/weli Gaas: “Wax heshiis ah oo la gaaro ma jiro, laakiin waxaa isku afgaranay……” WARSAXAAFADEED

Madaxtooyada Puntland aya war ay soo saartay ku sheegay inuusan jirin wax heshiis ah oo dhex maray wakiilada beesha Caalamka iyo madaxda Puntland, laakiin la isku afgartay in dib la isugu so laabto.


HOOS KA AKHRISO QORAALKA MADAXTOOYADA GAROWE

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay wehelinayaan Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar, Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, iyo Waftigii uu hoggaaminayey Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Michael Keating ayaa maanta 11-Feb-2016 Shir jaraa’id ku qabtay Qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee caasimda Garoowe.

Madaxweynaha Dawadda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in ay sagootinayaan Waftigan ballaaran ee beesha caalamka ka socda, kuwaas Puntland u yimi sidii ay u ogaan lahaayeen dareenka shacabka Puntland ee ku aadan geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka.

Madaxweynaha ayaa xusay in waftigan ka socdey Beesha Caalamku intii ay ku sugnaayeen Garoowe inay la kulmeen qaybaha kala duwan ee dadweynaha reer Puntland isla markaana ay si dhab ah u arkeen aragtida shacabka Puntland, welibana dadkii ay la kulmeen dhammaantood ay ahaayeen dad si dhab ah u meteli kara shacabka Puntland.

“Waftigu waxay u yimaadeen in ay nala arkaan aragtida shacabka Puntland, waxay la kulmeen Dawladda, Baarlamaanka, bulshada rayidka ah, Isimada iyo siyaasiyiinta, aragtidoodana way arkeen, dadkii ay la kulmeena waxay ahaayeen dad ka turjumi karey dhammaantood rabitaanka shacabka Puntland”ayuu yiri Madaxweyne Dr.Cabdiweli.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in aanay jirin haba yaraatee wax heshiis ah oo dhexmaray Dawladda Puntland iyo Beesha Caalamka oo laga gaadhey khilaafkii ka dhashay go’aankii ay qaadatay Dawladda Federaalka Soomaaliya ee ku qotomey doorashooyinka 2016-ka.

“Wax heshiis ah oo la gaarey majirto, laakiiin waxaanu isku af-garanay in Beesha Caalamkuna ay dib isugu laabtaan, anaguna aanu sii wadno wada xaajoodka, kuna dedaalno ka-Puntand ahaan iyo sidoo kale beesha caalamkuba inaanu dib isugu soo laabano, lagana wada shaqeeyo sidii soomaliya hore loogu marin lahaa, Waxaan rajeynayaa in isu soo laabadka dambe meesha hadda aanu joogno hore looga sii socdo” ayu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Wakiilka xog-hayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Mechael Keating oo isna geestiisa hadal ka jeediyey shirka jaraa’id ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Shacabka Puntland-ba uga mahadceliyey soodhoweyntii iyo qaabilaadii wanaagsnayd ee ay u sameeyeen Danjiraha iyo waftigiisa.

Danjire Keating ayaa sidoo kale sheegay ahmiyadda safarkiisa uu Puntland ku yimi ku qotomey, isla markaana cadeeyey muhiimadda kulamadii uu la qaadanayey bulshada Puntland ay lahaayeen muhiimad gaar ah maadaama ay la socdeen Danjirayaasha Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Iswiidhan, Uganda Itoobiya, urur goboleedka Igad, Midowga Yurub iyo midowga Afrika oo dhammaantood Puntland u yimi sidii ay u ogaan lahaayeen dareenka Shacabka Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKAWARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON