Thursday, June 26, 2025

XOG CULUS: Ninkii isku qarxiyay Daallo Airline oo noqday Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda [AKHRI DOCUMENT]

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxii diyaarada Daallo waxaana markan la ogaaday in C/llaahi C/salaam Boorle oo ahaa ninka la tuhunsan yahay inuu qarxiyay Diyaaradda Daall, kana dhacay ee meydkiisa laga helay degamada Balcad inuu ahaa nin wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ka tirsan.

Warqad ay qortay  safaarada Soomaaliya ee dalka Turkiga  ayaa ninkan Cabdulaahi C/salaan Boorle loogu dalbay Visa uu ku tago dalka Turkiga iyadoo lagu sheegay inuu yahay La-taliyaha Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya, waxaana uu heystaa oo qoraalka lagu lifaaqay Baasaboorkiisa diblomaasiga ah.

Sidoo kale qoraalka Safaaradda Turkiga waxaa ka muuqda caddeyn ay in ninka Diyaaradda Daallo isku qarxiyay uu ahaa nin Wasaaradda Arrimaha dibadda ka tirsan, taasoo shaki badan abuureysa inkastoo qoraalkasi ay kasoo wareegtay muddo sanad ku dhow oo uu ahaa Maarso 2015.

Kiiska qarxinta Daallo ayaa sii cakirmaya iyadoo uu lugaha la gelayo madax ka tirsan Hay’adaha dowladda Federaalka, waxaana jirta in ninka is qarxiyay ee Cabdullaahi Boorle ay isku reer yihiin wasiirka arirmaha dibadda C/salaan Hadliye.

HOOS KA AKHRI QORAALKA SAFAARADA SOOMAALIYA EE TURKIGA

sirculus

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON