Friday, July 18, 2025

KASHIFAAD: Guddoomiyaha G/Banaadir oo la yimid qorshe cusub oo dadka Muqdisho lacag looga ururinayo

Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir ayaa la yimid qorshe cusub oo lacag looga qaadayo dadka degan magaalada Muqdisho, waxanaa shalay Guddoomiyaha Gobolka Yuusuf Xuseen Jimcaale uu daah rogay qorshe tabarucaad ah oo lagu doonayo in qof waliba ay ku bixiso lacag dhan Hal doolar ($1).

Qorshahan ayaa loogu magac daray “DALKAADA DHISO” waxaana la shaaciyay istiraatiijiyad la sheegay  in sanadkan 2016 lagu hormarinayo caasimadda oo lacagta ku baxeysa lagu sheegay $26,950,000 (Lix Iyo Labaatan Milyan Sagaal Boqol iyo Kontan Kun oo Doolar).

Yuusuf Boorsaani ayaa sheegay in la dhisayo  Laamiyada Isku Xira Siyadka iyo Suuqa Bakaaraha Iyo Soobe Illaa Madiina si loo Daboolo Baahida Bulshada.

“Bixi Labaatan Kun Oo Shalin Soomaali Ama Hal Doolar si aan waddooyinkeena u dhisano Gacmo Wadajir Bey Wax ku Gooyaan Ee Aan Iskaashanno” -Guddoomiyaha Gobolka Banadir-

Dad badan ayaa is weydiinaya waxa lagu qabanayo lacagta canshuurta sanadka ee Guryaha Muqdisho laga qaadayo oo malaayiin doolar ah, kana badan lacagta qorshahan lagu soo bandhigay. Lacagta canshuurta guryaha Muqdisho oo xowli ku socota ahna dakhli cusub ayaa ku filan dib i dhiska caasimadda Muqdisho oo dhan, inkastoo shirkad gaar loo leeyahay qeyb lacagtaasi ka mida sharci darro loogu saxiixay, haddana waxaa muuqata in lacag kale aanay u baahaneyn maamulka Gobolka Banaadir.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON