Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa intii uu joogay magaalada Garowe ee wadahadalka la lahaayeen madaxda maamulka Puntland wuxuu bartiisa internetka soo dhigay hadal yaab leh oo ku saabsan oraah uu ka soo xigtay siyaasi sare ee reer Puntland ah kaasoo uu sheegay inuu ku yiri: “SOOMAALIDU WAA DANEYSTAYAAL GARMAQAATAYAAL AH”.
Hadalkan oo doodo badan laga keenay, isla markaana faallona laga qoray ayaa ah mid uu siyaasigan reer galbeedka ah ee ku cusub Soomaaliya ka baranayo dadka Soomaaliyeed hab dhaqankooda, laakiin waxaa wax lala yaabo ahayd xilliga uu ku soo beegmay inuu hadalkaasi soo xigto oo ahayd isagoo shirar kula jira qeybaha Puntland oo kala hor yimid diidmada heshiiskii qaabka doorashada dalka, taasoo lagu sifeyn karo tilmaamaha uu soo xigtay Micheal Keating inuu ka arkay magaalada Garowe dadkii uu kula kulmay.
Senior #Puntland politician just told me that Somalis are 'individualistic and feisty' – and wishes me good luck in my job.
— Michael Keating (@SRSGKeating) February 10, 2016
Siyaasiy sare oo Puntland ah ayaa goor dhoweyd ii sheegay in “…Somalidu tahay daneeystayaal iyo garma-qaatayaal (quuqlayaal_…” – wuxuuna nasiib wacan u rajeeyay shaqadeyda.
Wakiilka Q/Midoobay waxay u ahayd shirkii Garowe kii ugu horeeyay ee qolo Soomaaliyeed oo diidan Soomaalida kale heshiis ay gaareen isla markaaba ka mideysan inay diidan wax waliba oo Muqdisho uga yimaada, laakiin aan heynin qaab kale.
Wuxuu la kulmay 4 qeybdood iyo maamulka Puntland oo mid waliba uu qoraal diyaarsan gaarsiiyay, waxay kaloo dhageysteen dacwado ku saabsan:
- Awood qeybsiga dalaka
- Muran ka taagan Dastuurka
- Maqaamka caasimadda iyo Muqdisho laga raro
- Habka qeybsiga Kheyraadka
- Deeqda Soomaaliya la siiyo in saddex loo qeybiyo
- iwm
Goobjooge.com