Monday, June 23, 2025

SAWIRRO: Madaxweynaha Somaliya oo madax kala duwan kula kulmay shirka Munich

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka qeybgalaya shirka arrimaha amniga caalamka ee Munich Security Conference (msc2016), ayaa maanta kulamo la qaatey madaxa iyo diblomaasiyiin kale.

Madaxda uu Madaxweynaha la kulmay waxaa ka mid ah Jan Eliasson oo ah Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada Norway, Børge Brende, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain, Philip Hammond, Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka, Ursula von der Leyen, iyo mas’uuliyiin kale.

Kulamadan ayaa la iskula soo qaadey xoojinta xiriirka dhinacyadaasi kala dhexeeya Soomaaliya, xaaladda amniga ee gobolka Geeska Afrika, arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya iyo taageerada dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

Ad

Madaxweynaha ayaa madaxda uu la kulmay uga mahad celiyay kaalinta wanaagsan ee ay ka qaadanayaan taageerada Soomaaliya.

DAAWO SAWIRRO

Madaxweynaha oo la kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain, Philip Hammond
Pres. Hassan S.M. and Norwegian FM, Børge Brende
Pres. Hassan Sheikh Mohamud meets Jan Eliasson, UN Deputy Secretary-General
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON