Saturday, June 28, 2025

XOG CULUS: Kiiskii Qarxinta Daallo oo lugaha la galay Wasaaradda Arimaha dibadda Somaliya

Baaritaanka hay’adaha ammaanka ku hayaan qorshihii lagu qarxiyay diyaaradda Daallo Airlines ee horaantii bishan ayaan wax dheeraad ah laga helin tan iyo intii la shaaciyay sawiradii ay qabatay Kaamerada Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, taasoo keentay in la xiro mas’uul sare oo ka mid ahaa hay;adaha ammaanka oo noqday abaabulaha weerarka lagun magacaabo C/weli.

Qoraal dhowaan aanu shaacinay ayaa muujinaya in ninka la tuhunsan yahay inuu qarxiyay diyaaradda ee C/llaahi C/sallaan Boorle uu ahaa mas’uul ka tirsan wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya xilkiisuna ahaa la-taliye, isla markaana safaaradda Turkiga ay u dalabtay fiiso laga siiyo safaarada Muqdisho, isagoo weliba lahaa baasaboor diblomaasi ah.

Haddana qarxiyaha diyaaradda C/llaahi Boorle ayaa lala xiriirinayaa wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye oo ay isku reer yihiin oo wararku sheegayaan inay si fiican isu yaqaaneen oo xilkaasina isagu u magacaabay.

Ilo ku dhow wasiir Hadliye ayaa sheegaya in wasiirku aanu lahayn la-taliyeyaal joogto ah, balse la-taliyeyaashiisa ay mudadooda ku kooban tahay lix bilood kadibna qandaraasku ka dhaco.

Kiiskan ayaa laga cabsi qabaa inuu lugaha la galo madax sare oo ka tirsan dowladda federaalka iyagoo qaarkood si aanay ka war heyn loo adeegsaday.

Goobjooge.com ayaa hore u soo bandhigay halka laga iibiyay tikidhka is qarxiyaha ku raacay diyaaradda Daallo oo ahaa mid ay jartay shirkadda Turkish Airlines oo iska wareejiyay markii danbe rakaabtka (Akhri halkan)

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON