Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Shirka caalamiga ah ee Magaalada Munich ee looga hadlayo arrimaha ammaanka dunida, wuxuuna sheegay in kooxaha aragagixisada ay abaabulan yihiin loona baahan yahay in dalalka dunida ay yeeshaan abaabul iyo isku xir ka badan kan kooxahaasi.
Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa ku sheegay in Soomaaliya ay ku jirto xaalad dagaal oo ay la tacaaleyso koox argagixiso ah una baahan tahay taageero caalami ah, isagoo beesha caalamka ugu baaqday inay gacan siiyana dowladiisa.
Wuxuu sheegay in loo baahan yahay xal gudaha ah in loo helo dhibaatooyinka ka taagan dal kasta, isla markaana aan la isku dayin xal dibadda looga keeno xasaradah ka oogan meelo kala duwan oo dunida ka tirsan.
Khudbada madaxweynaya ayaa hadda soo gabagabowday waxaana uu madaxweyne Xasan Sheekh si fiican ugu sharxay madaxda caalamka ee shirka Munich xaaladda dalka Soomaaliya.
Goobjooge.com