Friday, June 27, 2025

Ciidamada Cirka Soomaaliya oo xusay sanadguuradii 56-aad ee asaaskooda [SAWIRRO

Ra’iisal wasaare ku-Xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa maanta ka qayb-galay xaflad lagu xusayay sanad guuradii 56aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Ciidamada Cirka Soomaaliya, munaasibadaas oo ay ka soo qayb-galeen wasiiradda Gaashaandhiga, Cadaalada iyo dhamaan Hoggaanadda Ciidamada Qalabka sida.

Hadal uu munaasabadaasi ka jeediyay Mudane Carte wuxuu ugu horeyn mahadnaq iyo salaan u gudbiyay guud ahaan ciidamada qalabka sida gaar ahaana kuwa cirka iyo qoysaskooda oo uu Alle uga baryay in sanadkan kiisa ay ku gaaraan barwaaqo iyo nabadgalyo.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku waxa uu ka hadlay muhiimada ay ciidamada Cirku u leeyihiin DFS iyo sida ay ugu baahan yihiin in la soo celiyo sumcadii iyo sharaftii ay hore u lahaayeen, waxaanu dhamaan u mahad caliyay saraakiishii ka soo qayb-qaatay halgankii Ciidamada Cirka, si gaar ah waxa u xusay haweenaydii ugu horeysay ee duuliye ciidamadda cirka ka noqotay Dhame Asli Calan-side.

Ciidanka Cirka ayaa la aas-aasay 1960kii iyagoo ka soo qayb-qaatay halgankii iyo horu-markii uu dalkani lahaa, waxaana si gaara loo xusi karaa kaalmadii ay ka gaysteen FATAHAADII dhacday 1962 iyo Abaartii daba-dheer ee 1974-kii.

DAAWO SAWIRRO

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON