Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan muhiim ah oo looga hadlayo dib u eegista Dastuurka KMG ee Soomaaliya oo wax laga bedelay, iyadoo ay ka qeyb geli doonaan madaxda baarlamaanka maamul goboleedyada dalka iyo madaxda sare ee dowladda.
Wax ka bedelka Dastuurka lagu sameeyay waxaa soo diyaariyay guddiga madaxda bannaan ee dastuurka iyo Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka, waxaana ka dooday golaha wasiirada oo kadib isaga gudbiyay baarlamaanka.
Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Jeylaani Nuur ayaa sheegay in maanta la daah furi doono dib u eegista Dastuurka, si maalmaha soo socda loo guda galo dib iyo eegis taiyo wax ka bedel lagu sameyn cutubyo ka tirsan Dastuurka.
Dastuurka ay ku shaqeyso dowladda KMG ayaa waxaa sanadkii 2012 ansixiyay ergooyin gaarayay illaa 800, waxaana Baarlamaanka hadda jira uu wax ka bedel ku sameeyay dhowr qodob oo ka mida dastuurka, waxaana hadda lagu wadaa in wax bedel kale lagu sameeyo inta aan loo qaadin afti.
Goobjooge.com