Xukuumadda Soomaaliya ayaa sharciga xisbiyada ku celiyay una gacan geliyay Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii uu buuq ka dhashay xilliga ay xukuumadda ku qaadatay inay heysato sharcigaasi oo markii hore ay diyaariyeen guddi Baarlamaanka ka tirsan.
Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga Barlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in lagu soo wareejiyay sharcigii Axsaabta siyaasadeed oo xukuumadda ay u soo celisay, kadib markii Cumar C/rashiid iyo gudoomiyaha Baarlamaanka ay kulan ka yeesheen arrintan.
Dahir Amiin Jeesow oo ah gudoomiyaha Guddiga arrimaha gudaha Barlamaanka oo warbaahintala hadlay ayaa sheegay in sharcigaan laga soo gudbiyay xafiiska Ra’iisul wasaaraha haddana iyaga loo soo celiyay wuxuuna caddeeyay in maalmaha soo socda ay guda geli doono u ka doodista iyo ansixinta sharcigaasi.
Goobjooge.com