Sunday, July 13, 2025

Diyaaradda Drone oo ku soo dhacday Gobolka Gedo & Alshabaab oo la wareegtay

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo gaar ahaan Degaanka  Shan Dacaar oo 70 KM u jira Degmada Baardheere ayaa sheegaya in Diyaarad ah  nooc duuliye la’aanta ah ay ku soo dhacday degaankaasi, waxaana  la sheegay inay isla markiiba ay gacanta ku dhigeen Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa sheegatay in Ddyaaradan oo uu leeyahay Mareykan oo xambaarsaneyd ilaa 6 Gantaal sida ay hadalka u dhigeen ay la wareegeen.

Mareykanka ayaa inta badan adeegsada diyaaradaha is wada ee Drone-ka loo yaqaan isagoo ku weerara xarumaha Alshabaab oo hore looga dilay madax ka tirsan ururukaasi.

Weli ma jirto cid xaqiijisay diyaaraddaasi iyo meesha laga leeyahay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON