Thursday, June 26, 2025

Shaqaale Turki ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta barqanimadii ay kooxo hubeysan oo watay Gaari Kaarib ah ay Xaafadda Ceel Qalow ee Degmada Wadajir, magaalada Muqdisho ku dileen labo qof oo  midkood ahaa shaqaale u dhashay dalka Turkiga, halka kan kalena uu ahaa Soomaali la socday.

Goobjooge ayaa sheegay in kooxda weerarka geysatay ay Rasaas ku furtay Gaariga ay la socdeen shaqaalaha uu ka midka ahaa Turkiga isla goobta ku dhintay , dadka dweerarka ku dhintay ayaa ah laba ruux iyo dhaawac qof kale.

Shilkaasi kadib ayaa goobtaasi la sheegay inay gaareen ciidanka amniga, lakiin dadkii falkaasi geystay ayaa goobta si fudud uga baxsaday, wuxuuna falkan ka mid yahay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo si weyn ugu soo batay magaalada Muqdisho maalmihii ugu danbeeyay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON