Wednesday, June 25, 2025

Xoghayihii Guud ee hore ee Qaramada Midoobay Boutros-Ghali oo geeriyooday

Xoghayihii guud ee hore ee Qaramada Midoobay Boutros Boutros-Ghali ayaa geeriyooday sida uu ay ku dhawaaqeen Golaha ammaanka ee Q/Midoobay.

Boutros-Ghali, ayaa waxa uu ahaa xoghayihii lixaad ee ee qabta isagoo u dhashay dalka Masar, wuxuu xilka hayey 1992-kii illaa 1996-kii.

Boutros Boutros-Ghali, ayaa waxaa toddobaadkii tagay la dhigay Isbital ku yaalla magaalada Qaahira ee caasimadda Masar. Dhimashadiisa ayaa waxaa xaqiijiyay Rafael Darrio Ramirez Carreno oo ah madaxweynaha Golaha Ammaanka.

Waqtigiisii waxaa ku soo aaday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, Yugoslavia iyo dagaal ka socday Bariga Dhexe.

Waxaa lagu dhaleeceeyay inuusan waxba ka qaban xasuuqii Rwanda ee 1994. Shan iyo tobanka waddan ee xubinta ka ah Golaha Ammaanka ayaa u qabtay hal daqiiqo oo aamusnaan ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON