Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhintay 10 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray qarax xoog leh oo ruxay caasimadda dalka Turkiga ee Ankara caawa.
Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegayay in qaraxa ka dhashay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasoo lala beegsaday ciidamo Milateriga Turkiga goob ay ku sugnaayeen.
Dowladda Turkiga ayaa xaqiijisay in 5 ruux ay ku dhinteen qaraxa, waxaana weli socda gurmadka loo sameynayo dadka wax ku noqday qaraxa oo la filayo inay sii kordhaan.
Qaraxa oo ka dhacay bartamaha magaalada Ankara ee caasimadda dalkaasi ayaa farriin cad u ah in Turkiga uu wajahayo xaalad amaan xumo kadib qaraxyo is daba joog ah oo lala beegsaday. Qaraxan ayaa noqonaya kii afraad oo xoog leh oo lala beegsado Turkiga bilo kooban.
Ma jirto cid sheegtay qaraxa, waxaase dowladda Turkiga ay ku eedeysaa Daacish iyo ururka PKK ee kurdiyiinta dagaalka kula jira.
Goobjooge.com