Ururka Alshabaab ayaa beeniyay in duqeyn dhinaca cirka ah lagu dilay mas’uul sare oo katirsanaa xarakada AlShabaabul oo lagu magacaabo Mahad Karate. Sarkaal ka tirsan xarakada Al Shabaab oo la hadlay Idaacadda afkooda ku hadasha ee Andalus ayaa caddeeyay in warka Kenya shaacisay uu yahay been abuur, wuxuuna intaas ku daray inaysan jirin duqeyn dhacday oo lala beegsaday saraakiisha Alshabaab.
Xarakada Al Shabaab waxay sheegtay in warka kasoo baxday Kenya uu yahay mid la doonayo in lagu jaha wareeriyo shacabka Kenya oo la murugoonaya weerarkii askarta badan looga laayay ee dagaalkii Ceel-cadde.
“Dhammaan askarta iyo saraakiisha Mujaahidiinta waa ay bad qabaan, ma jiraan wax duqeyn ah oo ka dhacay Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo lagu dilay saraakiil xarakada Shabaabul Mujaahidii katirsan”ayuu yiri sarkaal katirsan Al Shabaab.
Wasaaradda Gaashaandhiigga KIenya ayaa sheegatay inay dishay Mahad Karate, 10 sarkaal oo Al Shabaab katirsan iyo weliba 42 maleeshiyo oo tababar loo soo xirayay. (AKHRI WARKA)
Goobjooge.com