Thursday, June 26, 2025

YUUSUF GARAAD oo qeylo dhaan ka soo saaray baaritaanka cusub ee Garoonka diyaaradaha Muqdisho

Siyaasiga iyo weriyaha hore Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa qeylo dhaan ka soo saaray baaritaanka ka socda garoonka diyaaradaha Muqdisho, kadib markii baaritaanku isagu soo gaaray, wuxuuna faahfaahin ka bixiyay qaabka baaritaanka ee garoonka Aden Cadde lagu soo kordhiyay, iyadoo uu sheegay inuusan weligii ku arkin baaritaan noocaas ah xitaa aqalka cad iyo xafiiska ra’iisal wasaaraha Ingiriiska.

HOOS KA AKHRI WARKA YUUSUF GARAAD

6 baaritaan oo 5 ka mid ah la iga saaray kabaha, suunka iyo jaakada, 5 jeer oo magaceyga liis laga baaray iyo 8 jeer oo baasabboorkeyga la iga qaaday si loo hubiyo ka dib waxaan gaaray Nairobi. oo aan dayaarad ka sii beddelanayo. Intaas ay tahay waxaa muuqda khaladdaad amni oo halis noqon kara.

Sidaa la iima baarin hadda ka hor mar aan tegey aqalka cad ee Washington iyo xarunta Gaashaandhigga Mareykanka the Pentagon iyo 2 jeer oo aan tegey Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha UK.

Sidani si ma aha. Afkaar cusub ayaa loo baahan yahay oo lagu hor istaago qofka dad dilka u bisabisoonaya, dadka intiisa kalena aan lagu bah dilin safarkooda. In Xamar 4 jeer lagugu baaro ka dibna laguu qaado Wajeer oo aadan u socon laakiin ay tahay in aad tagto si Kenyan kuu baaro inta aanad shar la imaan caasimaddooda, ka dibna Nairobi lagugu baaro sidii in dayaaraddu hawada ku soo jirtay oo aad Wajeer ka soo socotay aad hawada hub iyo walxaha qarxa aad ka soo qaadatay, meesha ma qabato. Anigu dhib gooni ah ma qabin lkn qiyaas waayeelka, hooyooyin ka cuslaaday, bukaanka ikm. Runtii shakhsiyan si xushmad iyo qaddarin leh ayay iila dhaqameed dhammaan “wax” baarayaashu, siiba kuwa Soomaaliya.

BARTA FACEBOOK EE YUUSUF GARAAD

GOOBJOOGE.COM

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON