Kooxda Alshabaab ayaa soo bandhigtay laba askari oo ay sheegtay inay ka soo goosteen ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay isku dhiibeen kooxdaasi.
Askartan ayaa la sheegay inay iska dhiibeen degmada Baraawe, waxayna xarakadu sheegtay inay si wanaagsan u soo dhoweysay, iyadoo wareysi lala yeeshay oo ay baahiyeen warbaahinta Alshabaab ay ku sheegeen inay iskood uga baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Mid ka mid askartaasi ayaa faahfaahin ka bixiyay shaqadiisa oo ahayd inuu canshuurka ka ururiyo degmada Baraawe.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA
GOOBJOOGE.COM