Thursday, June 26, 2025

Ciidamo loo tababaray Maamulka K/Galbeed oo la siiyay Gaadiid Dagaal & Qalab

Ciidamada Daraawiishta ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta waxaa loo soo xiray tababar, ciidamadaas tiradoodu waxa ay gaareysaa 312 askari. Ciidamadaas tababarkoodu uu ahaa mid mudo dheer uu socday iyadoo dhinaca kalana ciidamadaas ayaa waxaa gacanta loo galiyay hub iyo gaadiid dagaal si ay go,doonka saaran uga qaadaan degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Dhinaca kalana ciidamada hubka iyo gaadiidka dagaal gacanta loo galiyay ee ka tirsan kuwa daraawiisshta maamulka koonfur galbeed ayaa waxa ay maanta bilaabeen howlgal ay xayiraada uga qaadayaan wadooyinka soo gala degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Waxaana ciidamada daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ay sheegeen in howlgalka u jeedkiisu ugu weyn uu yahay sidii wadada u dhaxeysa  degmada Waajid iyo magaalada Baydhabo la isugu furi lahaa.

Wadooyinka soo gala degmada Waajid waxaa haysta oo fariisamo ku leh xarakada Al-shabaab oo maalmihii udambeeyay go,doomiyay wadooyinkaas.  Waxaana arintaas ay dhibaato ku noqotay shacabka iyo nafleyda ku nool degmada Waajid iyo deegaanada ku dhow.

Howlgalka maanta ay bilaabeen ciidamada daraawiishta ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xilli hub iyo gaadiid dagaal loo qeybiyay si ay xayiraada uga qaadaan wadooyinka gala degmada Waajid iyadoona shacabka halkaas ku nool xiliyadii ugu dambeeyay ay ka cabanayeen cunto yari haysata maadaama wadooyinka gala oo dhan ay yihiin kuwo xiran ay san baabuurta tagi karin.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON