Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM ayaa shaaciyay inay fashileen laba weerar oo kooxda Alshabaab ku soo qaadeen xarumo ay ciidamadaasi ku leeyihiin Gobolka SH/hoose maalmihii ugu danbeeyay, isla markaan ay dileen taliyeyaal sare.
Madaxa Warbaahinta u qaabilsan ciidamadaasi kabtan Flavia Terimulungi ayaa xaqiijisay in toddobaadkii hore Alshabaab ay weerar habeennimo ku soo qaaday ciidamada AMISOM ee Qoryooley oo 120 KM koonfur Galbeed uga beegan Muqdisho, laakiin ay fashiliyeen qasaare baaxad lehna ay gaarsiiyeen.
Kabtan Flavia Terimulungi ayaa sheegtay in dadka laga dilay ALshabaab uu ka mid yahay taliye sare oo lagu magacaabo Maxamed Farwar oo ahaa taliyaha gobolka Sh/hoose ugu qaabilsan Alshabaab. Weerarkii labaad ayuu sheegay inuu horaantii toddobaadkan lagu soo qaaday isla ciidamadii Uganda ee AMISOM oo weerarkaasina lagu dilay taliye kale oo Alshabab ka tirsan laguna magacaabo Cabduraxman Bakeli, iyagoo ku tilmaantay in dilka taliyahaasi ay u tahay guul weyn, isagoo caqabad ku ahaa nabada magaalda Marka.
Waxay intaas raacisay in C/raxmaan Bakeli uu mas’uul uga ahaa Alshabaab sirdoonka Alshabaab oo warar been ah iyo daacayado ka fidinayay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada, waxaa kaloo ciidamada Uganda ay nolosha ku qabteen Cabdulqaadir Maxamed oo kaaliye u ahaa C/raxmaan.
Taliyaha guutada ciidamada Uganda Brig. Sam Okiding said ayaa isna sheegay in Alshabaab ay ka qaadeen tallaabooyin adag oo u diiday inay harsadaan iyadoo la fashiliyay weeraro waaweyn oo ay ka beegsan rabeen Marka, Qoryooley iyo Buulo mareer, isla markaana la burburiyay xerooyin ay isku urursanayeen.
New Vision