Thursday, June 26, 2025

Shariif Xasan oo Addis uga daba tegay C/weli Gaas & wadahadal dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa tegay magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo uu halkaasi ku sugan yahay madaxweynaha Puntland C/weli Gaas.

Socdaalka Shariif Xasan ayay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ku sheegtay inuu yahay sidii labada dhinac uga wadahadli lahaayeen nabada iyo xasiloonida Soomaaliya iyo doorka ay Itoobiya ku leedahay.

War ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa sheegtay inuu kulan dhex maray Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Dr Tedros Adhanom iyo madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya maanta 19 Febrayo 2016.

Shariif Xasan ayaa qiray doorka ay Idowladda toobiya ku leedahay nabadeynta iyo xasiloonida Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyay taageerada ay Itoobiya ee la dagaalanka argagixisada gudaha Soomaaliya. Wuxuuna dowladda Itoobiya ugu baaqay inay sii wado siina xoojiso taageerada nabad ku soo celinta Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Tedros ayaa dhinaciisa sheegay in Itoobiya ku dadaaleyso sidii nabad waarta looga dhalin lahaa Soomaaliya, loona baahan yahay sii xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ee dhinacyda ganacsiga iyo Maalgashiga.

Dhammaad warkii wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya


Socdaalka Shariif Xasan oo ku soo beegmay iyadoo Addis uu ku sugan yahay madaxweynaha Puntland ayaa tani muujineysaa xaalada ay ku sugan yihiin maamulada Soomaalida oo la sheego inay ka talo iyo shidaal qaataan Itoobiya.

Goobjooge.com

 

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON