Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galaya barnaamij ay dad las oo xulay ka qeyb galayaan oo ku saabsan daahfurnaanta dowladda oo looga hadlayo sidii wax waliba dadka loogu bandhigi lahaa.
Barnaamijka oo ka socda Hotel SYL oo ku dhow madaxtooyada waxaa ka qeyb galaya waxgarad, siyaasiyiin iyo culimo oo su’aalo weydiinaya madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay sida daahfurnaanta ay u tahay asaaska dowlad wanaaga iyo inay yareyso musuqmaasuqa, wuxuuna intaas ku daray in Soomaaliya ay hiigsaneyso 2020 inay noqoto dal daahfuran oo wax waliba cad yihiin.
Dadka ka qeyb galaya barnaamijka ayaa su’aalo adag weydiiyay madaxweynaha oo ay ka mid yihiin musuqmaasuqa dowladda ka dhex jira, iyadoo Soomaaliya ay hadda ku jirto liiska dalalka ugu horeeya ee musuqmaasuqa, waxaana intii uu xilka hayay Madaxweyne Xasan Sheekh lagu xusuusan doonaa in hay’adihii dowladda iyo dhaqaalahoodii loo gacan geliyay shirkado gaara oo lagu naasnuujiyo hantidii qaranka.
Dad badan ayaa aamisan in dowladda Xasna Sheekh hogaamiyo ay tahay tan ugu musuqa badan xukuumadii dalka soo maray oo dhaca hantida umadda ay gaartay heerkii ugu sareeyay, madaxweynuhuna waxa ugu danbeeya ee uu ka hadli lahaa ay tahay daahfurnaan.
Goobjooge.com